Carruur Gaajo darteed ugu geeriyoodey Muqdisho

Read Time:44 Second

Tiro Caruur ah oo lagu sheegay Saddex ayaa gaajo darteed ugu geeriyooday Kaamka Calaf Suge oo kamida kaamamka.barakacyaasha ee kuyaala duleedka Muqdisho sida carruurta geeriyootay habar yartood u sheegtay Warbaahinta.

Carruurta ayaa waxa ay kala ahaayeen labo mataano ah iyo mid afar bilood jiray, markii hore waxaa geeriyooday mataanaha, waxaana labo cesho kadib gaajo darteed hadane u geeriyooday inankii yar oo caano la siiyo la waayay.

Hooyadood waxaa la sheegay in ay naafo tahay oo ay dhalaanka yar naas Nuujin weyday uuna markii dambena caano la,aan u geeriyooday.

Ayeeyadood oo dawarsi wax ugu keeni jirtay ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay qarixii Ex-control Afgooye ka dhacay 28 kii December.

Boqolaal ruux oo ka soo barakacay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka wadaan deegaanada ay maamulaan Alshabaab ayaa haatan ku sugan xerooyinka ku yaala duleedka Muqdisho, kuwaas oo aan helin daryeel ku filan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %