Captan Jeff Davis oo dafiray Duqeynta ciidan Galmudug iyo Gaashaale kaarshe oo ka warbixinaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Captan Jeff Davis oo dafiray Duqeynta ciidan Galmudug iyo Gaashaale kaarshe oo ka warbixinaya

Saraakiisha Ciidanka Galmudug Ayaa ka Hadlay Duqeynta ka Dhacday Bariga Gobolka Mudug iyagoo Sharaxaad ka Bixiyay Sida Qudeenta u Dhacday,

Gaashaale Sare Xasan Faarax Kaarshe Taliyaha Ciidanka Amaanka Maamulka Galmudug Ayaa Sheegay in Masuuliyiinta Mareykanka Dhoor jeer isla  Kulmeen isla markana kawada Hadleen Arimaha Gobolka Mudug,

Waxa uu sheegay in Ciidanka Mareykanka La Siiyay war Qaldan isla markana Sidaasi lagu Duqeeyay Ciidanka Halkaasi ku Sugnaa.

 

 

Sidoo kale War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi ay fuliyeen Diyaarado  drone ah oo ay leeyihiin Mareykanka.

Captan Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa wuxuu sheegay sababta ay weerarkaasi u fuliyeen in ay tahay kadib markii Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, taasina ay keentay in Mareykanku uu jawaab ka bixiyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jeff Davis in Duqeyntaasi ay ku Dileen 9 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo xilligii ay Duqeyntu dhaceysay ku sugnaa goob fariisin ah.

Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Captan Jeff Davis ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan Duqeyntaasi in ay ku geeryoodeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, maadaama ay soo baxayeen warar sheegaya in Duqeyntaasi ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Dowladda, gaar ahaan kuwa Maamulka Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!