Canada oo deeq waxbarasho siisay arday Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Canada oo deeq waxbarasho siisay arday Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Kenya

Mareeg.com: Arday Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 7, kuna nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa deeq qaxbarasho oo heer jaamacadeed ah ka helay dowladda Canada.

Ardayda heshay deeqda waxbarasho oo ka kooban 6 wiil iyo 1 gabar ayaa waxbarashadooda dugsiga sare waxay dhowaan ku dhammaysteen Dhadhaab.

Asad Cabdinaasir Axmed oo kamid ah ardayda heshay deeqda waxbarasho ayaa warbaahinta u sheegay in deeqda ay heleen, kaddib markii ay dowladda Canada ka codsadeen waxbarasho deeq ah.

Asad ayaa xusay in ay wax ku soo barteen duruuf nololeed oo adag, ayna ku faraxsan yihiin deeqda waxbarasho ee ay ka heleen dalka Canada.

Ardyada Sooomaaliyeed ee wax ku barta xeryaha qaxootiga Kenya ayaa marka ay dhameeyaan dugsiga sare waxaa soo wajaha caqabad la xiriirta sidii ay u heli lahaayeen waxvarasho sare.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!