Camey: Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa qariya Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Camey: Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa qariya Alshabaab

Mareeg.com: Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cxakiim Camey ayaa ku eedeey qaar ka mid ah Shacabka Puntland iney hoy siiyaan Alshabaab.

Camey ayaa xusay in dad badan Alshabaab ka kireeyaan guryo, kadibna marka lasoo qabto inkiraan iney ka war hayeen in dadka guryahooda degan Alshabaab yihiin.

Wuxuu C/xakiim Camey sheegay in qeybo badan oo ka mid ah shacabka Puntland ay ku horgudban yihiin cadaaladda.

“Dad badan ayaa Alshabaad dejiya guryahooda, marka dadkaas Shabaabka ah lasoo qabtana dadkii guryaha dejiyey waxey inkiraan iney ka warhayaan, ma waxaan la ogaan karin qof habeenkii baxaya?” ayuu yiri C.xakiim Camey.

“Intii aan maamulka ka mid ahaa waxaan arkay dad daba ordaya rag Shabaab ah oo qalabkii ay ku howlgelayeen lagu soo qabtay, oo hadana la leeyahay ilamaheenu dambi ma leh ee hala sii daayo, marka shacabkii ayaaba cadaaladda ku horgudban” ayuu sidoo kale yiri C/xakiim Camey.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira Alshabaab qeybtooda buuraha Galgala, kuwaasoo maamulka awoodi waayey inuu soo afjaro.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!