Cali Khaliif Galeyr oo loo doortay madaxweynaha Maamulka Khaatumo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cali Khaliif Galeyr oo loo doortay madaxweynaha Maamulka Khaatumo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maamulka Khaatumo State uu madaxweyne u doortay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamay labo murashax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cali Khaliif Galayr iyo madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac Indha-Sheel.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, iyagoo sheegay in Prof. Khaliif uu helay 21 cod, halka madaxweynihii hore uu helay 10 cod oo keliya.

Murashaxa laga guuleystey ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, isagoo sheegay inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee uu dusha u ritey.

Cali Khaliif Galayr oo markii ugu dambeysey ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya, waa siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Cali Khaliif Galleyr ayaa la sheegay inuu hogaamin doono Khaatumo State Afarta sano ee soo socota kadib doorashadii maanta oo Khamiis ah ka dhacday deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.