Cali Guudlaawe iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo ka wada hadlay Arrimo muhiim * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cali Guudlaawe iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo ka wada hadlay Arrimo muhiim

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Safiir Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada dhacaya 2021.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dib u heshiisiinta, hirgalinta iyo fulinta mashaariic horumarineed oo muhiim ah iyo dhameystirka goleyaasha deegaanka degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ka dalbaday in maamulkiisa laga taageero dhinacyo kala duwan oo ugu weyn tahay horumarinta deegaanada.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale u mahadceliyay Safiir Nicolas Berlanga, waxaana kulanka dhexmaray labada dhinac goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shalay ayuu Cali Guudlaawe kulan looga hadlay xal u helida fatahaadaha Webiga Shabeelle la qaatay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soonaaliya, iyagoona sidoo kale ka wada hadlay arrimo kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.