Nairobi, Mareeg.com: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa taageeray R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasoo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Cali Maxamed Geedi oo la hadlay Radio ku yaalla Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku khaldan yahay inuu R/wasaare Saacid ka dalbado inuu is casilo.
R/wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyey dastuurka dalka.
“Madaxweynaha dhahaya Ra’iisul Wasaare kaalayoo is casil, meel ay sharciga kaga jirto ma aqaan, Madaxweynuhu isagaa leh mas’uuliyada khilaafka, Dastuurka ayuuna ku tuntay, awoodna uma lahan inuu xilka ka qaado”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo la hadlayey KNN.
Cali Geeddi ayaa tilmaamay in howsha fulinta laga rabo xukuumadda, wuxuuna madaxweynahya kula taliyey inuu R/wasaaraha u daayo howlihiisa.
“Howsha fulinta uma taalo Madaxweynaha, waxay shaqadiisa tahay inuu digreetada saxiixo marka Ra’iisul Wasaare wasiiro soo magacaabo ama uu isaga magacaabo, marka R/wasaaraha haloo daayo howshiisa” ayuu yiri Geeddi.
Cali Maxamed Geeddi oo mucaarad ku ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale kuwo aan khibrad laheyn ku tilmaamay 10 wasiir ee ay ka kooban tahay xukuumadda R/wasaare Saacid oo hadda la doonayo in la ballaariyo.
Cali Maxamed Geeddi ayaa noday R/wasaaraha dowladdii KMG aheyd Soomaaliya ee uu hogaaminayey madaxweynihii geeriyooday C/llaahi Yusuf Axmed, waxaana Cali Geeddi naftiisa lagu xusuustaa inuusan waxb qaba, iyadoo weliba lagu eedeeyey inuu lunsaday inta badan lacagihii caalamku ugu deeqay dowladdii uu R/wasaaraha ka ahaa.
Mareeg.com