caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ka socota Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ka socota Kismaayo

Qaban qaabada xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan dib loo doortay ayaa ka socota Kismaayo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

 

Wafuud kala duwan oo ka socota maamulada dalka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uuliyiin ka socota dowladaha deriska ay suura gal tahay inay u ambabaxaan Kismaayo, si ay uga qeyb galaan munaasabada caleema saarka.

 

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa shalay gaaray Kismaayo, si uu ugu qeyb galo caleema saarka.

 

Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay bandow ku soo rogeen magaalada, isla markaana uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo dadka.

 

Madaxweynaha Jubbaland ee mar kale la doortay Axmed Madoobe ayaa doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday shaki la geliyay, waxaana horay cabasho uga jiray qaabkii loo soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, inkastoo haatan 10 Xildhibaan lagu kordhiyay, si loo xaliyo muranada ka jira.

 

Si kastaba ha ahaatee xaflada caleema saarka ayaa la ogeyn cida dowladda Federaalka uga qeyb geli doonto, gaar ahaan Madaxda dowladda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha ay suura gal tahay inuu ka qeyb galo

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!