Mareeg.com: Iyadoo berri Muqdisho laga sugayo madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa waxaa jidka Maka Almukarrama la suray calamada Soomaaliya iyo Turkiga.
Baallayaasha ku dhiririsan Wadada Maka Almukarrama ayaa waxaa saaka ka babanaya calamada labada dal, iyadoo Muqdisho berri soo dhaweyneyso madaxweyne qeyb weyn ka qaatay bilic soo celinbteeda bilaabatay.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la xiray waddooyin badan, ciidamo fara badan ayaana lasoo tubaya goobaha muhiimka ah.
Dhanka kale, waxaa horay magaalada Muqdisho u soo gaaray ciidamo gaar ah oo ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo kasoo hormaray madaxweynaha, si gaar ahna ula socon doona amaankiisa.
Amaanka guud ee caasimadda waxaa haatan ku howlan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.