Cajiib: Nin madax u ah koox caabuda Sheydaanka oo laga celiyey Imaaraadka Carabta
Mareeg.com: Booliska Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dalkooda dib uga celiyey nin la sheegay inuu madax u yahay Koox caabuda Sheydaanka, kaasoo lagu magacaabo Klaus Ulf, heystana dhalashada dalka Jarmalka.
Sida aya baahiyeen Wargeyska Albayan ee kazoo baxa Imaaraadka Carabta iyo bogga uu Internet-ka ku leeyahay Alaantv, ninkaan ayaa lagu celiyey dalka Turkiha oo uu ka yimid.
Ninkaan ayaa ku dooday inuu dalka Imaaraadka u tegay si uu munaasabado ula qaato sida warka loo dhigay koox isaga taabacsan oo ku sugan dalkaas.
Kooxdan Shayaadiinta caabuda ayaa la isku khilaafay xilliga ay soo bilwodeen, waxaase la sheegay iney soo bilowdee qarnigii 1-aad ee Miilaadiga.
Mareeg Media
Comments are closed.