Cadale: Dad ku sumoobay shaah ay cabeen

Cadale – Mareeg.com: Wararka ka imanayo gobolka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegayo in 20 qof ay ku sumoobeen shaah ay cabbeen, deegaanka Bursha-sheekh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shaaha ay gaartay sun ay dadka sumoobay ay doonayeen in ay ku dilaan xayawaanka ariga cuna ee loo yaqaan dawacada.

Dadka Sumoobay waxaa ku jira carruur iyo waayeel, waxaana 14 kamid ah a geeyey isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, halka inta kalana ay wali ku sugan yihiin deegaanka ay ku sumoobeen oo aan laheyn adeeg caafimaad.

Maxamuud Maxamed Jimcaale oo ka mid ah ehelada dadkii waxyeelada ka soo gaartay ayaa sheegay in dadkaasi la dhigay Cisbitaalka keysaney ee duledka magaalada Muqdisho Loona fidiyay adegyo caafimaad.

Maxamuud ayaa sidoo kale waxaan weydiinay ogaalka guud iyo hadalheynta dadka deeganka falka uu ka dhacay iyo waxa loo maleyn karo sunta dadkani saameysa waxa ay tahay.

Dhacda la mid ah tani oo ay dad badan ku geeriyooden ilaa 7 ruux oo isku qoys ah ayaa bishii May ee tagtay waxa ay ka dhacday deegaanka Warfaarax oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Mareeg Media

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245