Cadaado oo xaalay adag ku jirtay iyo Ciidanka Itoobiya oo isaga baxay +Ahlu Sunna… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cadaado oo xaalay adag ku jirtay iyo Ciidanka Itoobiya oo isaga baxay +Ahlu Sunna…

Wararka laga helaayo degmada Cadaado oo dhawaan lagu doortay M/weyaha maamulka Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya oo halkaasi ku sugnaa inta ay doorashadu socotay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi isaga baxaan iyadoo M/weynaha maamulka Gal-Mudug C/kariim Guuleed uu ku sugan yahay halkaasi.

Cabsi xoogan ayaa halkaasi ka taagan waxaana la sheegay in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna ay kasoo dhaqaaqeen dhanka magaalada dhuusa-Mareeb iyo degmada Caabud Waaq waxa ayna ku soo jeedaan dhanka iyo Cadaado si ay u qabsadaan.

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa dhawaan waxa ay sameysteen maamulka aan magaciisa laga gareyn iyaga oo sidoo kale doortay M/weyne aan lala tartami waxa ayna cadeeyeen in iyaga ay ka taliyaan Galgaduud,qeyb ka mid ah Mudug iyo hiiraan ,sidaasi darteed ay rabaan in dagaal ay ku qabsadaan Cadaado.

Tiro ciidamo ah oo aan sidaasi u badneyn ayaa Cadaado jooga kuwaasi oo horay looga soo qabsaday Dhuusa-Mareeb waxaana laga cabsi qabaa in gudaha degmada ay dagaalo ka dhacaan haday Ahlu Sunna soo gasho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!