Cadaado oo la suray calamo iska soo horjeeda & maamulka oo hanjabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cadaado oo la suray calamo iska soo horjeeda & maamulka oo hanjabay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay lagu arkay calanka lagu yaqaano AlShabaab oo la suray qaar ka mid ah baallayaasha degmada.

Arrintaan ayaa timid kadib markii shalay meelo badan oo ka tirsan Cadaado la suray calanka Soomaaliya iyo calanka cad ee nabadda tilmaama xilli halkaas laga sugayey guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Calanka Soomaaliya iyo calanka nabadda ayaa waxaa baalayaasha degamada Cadaado ku hardhaya qaar ka mid ah dhallinyarada degmada, kuwaasoo qeyb ka ahaa abaabulka iyo tartanka Cadaado ugu jirto iney noqoto magaalada marti gelineysa shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe.

Maamulka degmada Cadaado oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dadka xalay baalayaasha suray calanka Alshabaab ay yihiin dhalinyaro fowdeyneysa dhallinyarada halkaas suray calanka Soomaaliya.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay iney baadi goobayaan dadkii falkaas ku kacay, islamarkaana ay tilaabo ka qaadi doonaan, iyagoo u arka in calanka Alshabaab ee la suray magaalada looga gol leeyahay in wax loogu dhimo amaanka magaalada.

Degmada Cadaado ayaa u sharraxan iney martigeliso shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana shalay lagu weday iney halkaas gaaraan xubnaha guddiga farsamada ee maamul sameynta, hase ahaatee dib u dhac ayaa ku dhacay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!