Cadaado: Guddiga farsamada oo xareeyey 28 oday dhaqameed (Imisa ayaa maqan?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cadaado: Guddiga farsamada oo xareeyey 28 oday dhaqameed (Imisa ayaa maqan?)

Mareeg.com: Guddiga Farsamada Maamul U Sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa Cadaado uga dhawaaqay iney xareeyeen 28 ka mid ah odaayaasha dhaqaanka beelaha labada gobol ee maamulka dhisanaya.

Guddiga oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay iney u harsan yihiin 12 oday dhaqameed, islamarkaana dhawaan ay dhameystiri doonaan odayaasha kale.

Odayaashan ayaa haddana soo xuli doona ergooyinka beel kasta uga qeybgelaya shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Degmada Cadaado waxaa isugu tegay odayaal farabadan oo mid kasta doonayo inuu beeshiisa matalo, sidoo kale waxaa halkaas ku yaacay dad doonaya iney ka mid noqdaan eragada shirka maamul sameynta.

Kala saarista dadkaan faraha badan ayaa qaadatay muddo dheer, iyadoo beel kasta loo madax banneeyey iney soo magacaabato odayaasheeda, iyo ergadeeda, sida guddiga farsamadu sheegay.

Guddi 1

Guddi1

Guddi2

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!