Boosaaso, Mareeg.com: Maamulka Puntland iyo ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ilaa hadda dadka ku dhintay duufaanta Cyclone ee todobaadkaan ku dhufatay xeebaha Wqoqooyi Bari ee Soomaaliya ay gaareyso ilaa 140 geeri ah inta la xaqiijiyey.
Kulan ay magaalada Garowe ku yeesheen guddiga maamulka Puntland uu qaabilsan gurmadka musiibooyinka ee lagu magacaabo, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaal kale ayaa looga hadlay dhibaatada ka dhacay dhulka xeebta ah ee deegaanada Puntland.
Deegaanada Eyl, Beyla, Dangorayo, Hafun, Alula, Rako Raho, iyo Jariban ayaa ah dhulka dhibka ugu badan gaaray, waxaana maamulka Puntland ka shaki qabaa in dhimashadu gaarto ilaa 300-ruux.
Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah deegaanada dhibaatadu ka dhaceen, iyagoo ugu baaqay beesha Caalamka in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ku go’doonsan wali deegaanada.
Wasaaradda xanaanada xoolaha dowlada Puntland ayaa sheegtay in qoysas tiro badan ay ku xoolo waayeen roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay qaar ka mid ah dhulka xeebta ee Gobaladda Bari.Karkaar iyo Nugaal.
Wasiir ku xigeena xanaanada xoolaha Cabdiwali Xirsi Nuur ayaa sheegay qiyaas ahaan dadka ku xoolo waayay inay gaarayaan 400-qoys balse aan ilaa iyo hada la hayn tiro rasmiya, wuxuna sheegay hal qoys oo kaliya inay ku waayeen duufaanta 600-neef.
Cabdiwali Xirsi waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay hirgaliyeen mashruuc wayn oo xoolo loogu aruurinayo dadka roobabka barafka wata ku cayroobay, wuxuna sheegay inaysan ka daali doonan raadinta iyo bad baadinta xoolaha kale ee wali caafimaadka qaba.
Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay inay hadda bilaabi doonan sidii loo bad baadin lahaa xoolaha kale ee caafimaadka qaba iyo sidii looga fogayn lahaa deegaanka xoolaha kale ee baqdiyay si aysan u dhalan caafimaad xumo.
Dhanka kale, waxaa shalay magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ka amba baxay gawaari, kuwaasi oo waday deeq loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii ka dhacday deegaanada Puntland qeybo ka mid ah.
Gawaarida ka amba baxday magaalada ayaa ahaa afar, kuwaasi oo ah noocyada waaweyn ee xamuulka qaada, waxaana saarnaa raashiin isugu jiray bur, bariis, sonkor, timir, kalluun, caano, buskut, dhar, buste iyo xasiigyo.
Dowladda Soomaaliya, maamulka Somaliland iyo dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa intuba ku dhawaaqay iney caawinayaan dadka duufaantu ku saameysay deegaanada xeebta ah ee Puntland.
Mareeg.com