Cabdullahi Sheekh Xasan: Madaxweynuhu Hal Kartoon Oo Dawo Ah Ma Geyn Jowhar

Muqdisho, November 7, 2013: Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqoraadiyadda Soomaaliya (SPDU) C/llaahi Sheekh Xasan Cali ayaa maanta ka hadlay booqashadii shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe, oo daadad kazoo rogmaday wabiga Shabeelle ay go’doomiyeen.

C/llaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan hal kartoon oo dawo ama buskut ah uusan gaarsiin dadka Shabeellaha Dhexe oo uu shalay ku booqday magaalada Jowhar.

“Madaxweyne Xasan hal kartoon oo dawo ama buskut ah shalay ma geyn Jowhar, wuxuuna sheegay in wixii ay u baahan yihiin ay u geynayaan AMISOM” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo dowladda ku eedeeyey iney dayacday gobolka Shabeellaha Dhexe oo muddo 5 bilood ah daadadka wabiga Shabeelle dhibaato xoog leh ku hayaan.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa soo hadal qaaday lacag kolhore golaha wasiirada Soomaaliya ugu deeqeen dadka daadaku ku saameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Golaha Wasiirada waxay $50-Kun Dollar ugu deeqeen fatahaada, lacagtaasi xagee martay?, ma waxay ku ekeyd war saxaafadda la siiyay, Madaxweynahase lacagtaasi muxuu ugu geyn waayay dadka dhibaateysan?” ayuu mar kale isweydiiyay C/llaahi Sheekh Xasan.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay shirkii Jubooyinka ee shalay kusoo idlaaday Muqdisho, wuxuuna sheegay inuusan dastuurka waafaqsaneyn.

“Shirka Jubbooyinka dastuurka dalka ma waafaqsana, wixii ka soo baxana waa baadil aan sharci aheyn” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in intii uu socday shirkaas uu barbar socday shir kale oo looga soo horjeeday, kaasoo ay wadeen Xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad ku abtirsada gobolada Jubbooyinka.

Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqoraadiyada Soomaaliya C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in shirkaq Muqdisho lagu qabtay uu barbar socdo mid kale oo ka socda Baydhabo oo dadka wada sheegayaan iney dhisayaan maamulka mideeya 6 gobol oo ay ku jiraan labada Juba iyo Gedo.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in shirkii looga hadlayey maamulka lixda gobolka ee Baydhabo uu wax ka furay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Haddaba midee sax ah in Jawaari taageero lix gobol oo loo sameeyo maamul goboleed, hadana uu taageero shirka Jubbooyinka iyo Gedo, kee baa saxan hadalada Guddoomiyaha?” ayuu sidoo kale isweydiiyay C/llaahi Sh. Xasan.

Mareeg.com