Cabdixakiim Camey Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdixakiim Camey Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland

Garowe, Mareeg.com: Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa manta doortay madaxweyne ku xigeen kadib markii gellinkii hore ee manta uu madaxweyne u doortay C/weli Maxamed Cali Gaas.

Doorashada madaxweyne ku xigeenka oo ay ku tartameen 10 musharraxa ayaa sida tii madaxweynaha martay 3 wareeg oo adag.

Wareega 1-aad: Tartanka Madaxweyne kuxigeenka Puntland: Musharax Cabdixakiin Camey ayaa helay 26 cod, Cabdullaahi Timacae ayaa helay 13 cod, Gen. Cabdisamad ayaa helay 12 cod, Karaash ayaa helay 8 cod, Daahir Khaliif ayaa helay 2 cod, Xuseen Xaashi ayaa helay 3 cod, waxaana u gudbey Wareega labaad Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Caney, Cabdullaahi Xirsi timacadde iyo Gen. Cabdisamad Cali Shire

Wareega 2-aad: Tartanka Madaxweyne kuxigeenka Puntland: Musharax Cabdixakiin Camey ayaa helay 35 cod, Cabdullaahi Timacae ayaa helay 17 cod, Gen. Cabdisamad ayaa helay 9 waxaa xumaadey 4 cod, waxaa Final-ka isugu soo harey Cabdixakiin Camey iyo Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Wareega 3-aad Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa helay 48 cod, halka uu helay 16 cod, waxaa xumaaday 1 cod, waxaanan codeyn hal xildhibaan oo goobta ka maqnaa.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa kazoo jeeda degmada Buuhoodle, wuxuuna ka yimid qurbaha gaar ahaan dalka Maraykanka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.