Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Booqasha ku Maray Maanta
Deeganada Bacadweyn Xarfo, Faratooyo iyo Burtinle oo uu Caawa ku hoyday.*
Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Saakay ka soo Kicitamay
Magaalada Galkacyo ayaa Socod ku Maray Deegano badan oo u dhaxaysa
Gaalkacyo iyo Burtinle Halkaso ay ku dhaqanyihiin Bulsho badan Balse aysan
ku leexan Madaxda xiliyada ay socdalada Sameyaan.
Musharax Gaas intii uusan ka soo bixin Gaalkacyo wuxuu la hadlay Qaybaha
Warbaahinta wuxuuna u sheegay in uu Safar dheer Galayo isla Markaana Gobalo
badan Magalooyin iyo Degmooyinba uu gaari doono ilaa Gobalka Bari Cirifka
ugu dambeeya si uu u soo arko Xaladaha ay ku dhaqanyihiin Bulsha waynta
Puntland.
Deeganadii Sida weyn loogu soo dhoweyey Musharax Cabdweli Gaas waxaa kamid
ah Degmooyinka Bacaadweyn, Xarfo Tuulada faratooyada iyo Burtinle oo uu
Caawa ku suganyahay.
Dadweyne aad u Fara badan sida Sawirada ka muuqata ayaa Musharaxa ku soo
dhoweysay Magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal kuwaaso duledka Magaalada
kaga hortagay ilaa Caawana hor Tuban Guriga uu ka Degganyahay Burtinle
iyagoo ugu Baaqaya Isbedel Kheyr qaba.
Deeganadii uu Booqday Maanta wuxuu marayay Goobaha Waxbarashada, Cuqaasha,
Culimada iyo Dadweynaha, Wuxu ka hadlay Isbedelka uu Dalka galayo isagoo
uga Mahadceliyay sida ay dadku ugu Bararugsanyihiin Isbedel, uguna
Baahanyihiin.
Musharax Gaas ayaa u istaagayay intii uu socdaalka ku jiray Dadka xoola
dhaqatada ah ee Qaarkood ka fog laamiga si uu u ogaado Xaladahooda Nolaleed
iyo Mida Xoolaha ay dhaqanayaan.
Wuxuu ka Hadlay musharaxa intii uu Socdaalka ku jiray Guddiga uu Maanta soo
Magacabay Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Nidaamka loo maray uu yahay
qaab qaldan oo aan dan u ahayn doorasho xalal iyo Cadaalad ah oo dhacda
isla markana Kalsooni lagu qabi karo.
.”Faroole haddi usan kala tashan Musharxinta, Isimada iyo Dadka ay
Khusaysay waxan qadayna talabo kale, kama Hadleyno dadka la Magacabay
Shaqsiyadooda laakin waxan ka hadlayna Nidaamka la mariyay Guddigan uu
Magacabay waa mid aan loo Marin Nidaamki Saxda ahaa”.ayuu yiri Musharax
Gaas intii uu socdaalka ku jiray.
Musharax Gaas ayaa la filaya in Malinimada Berri ah uu Gaaro Magaalada
Garoowe ee Caasimadda Puntland ka hor inta uusan Socdaal ku kala Bixin
Deegano kale oo hor leh.
*Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas*