Cabdiweli Gaas: ” Hal Taako cidna ugama tanaasuleyno”. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdiweli Gaas: ” Hal Taako cidna ugama tanaasuleyno”.

Garoowe ( Mareeg.com)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir Jara’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkiisa ayaa sheegay in aysan gor gortan ka geli doonin taako deegaanadooda ka mid ah.

 

Dr.Gaas ayaa hoosta ka xariiqey in Puntland weligeed ay ka shaqeyn jirtey nabada iyo daris wanaaga isagoo sidoo kale xusay in maamulka Madaxweynaha uu ka yahay inbadan uu u dulqaad sameeyay islmarkaana markasta ay Puntland jeceshay raadinta nabadda.

 

Sidoo kale Cabdiweli Gaas ayaa ku baaqay in runta laga  sheego cidda gar darada wada oo aan laga leex leexan six al waara looga gaaro Colaadda soo noq noqotay.

 

Dhinaca kale Abdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland aya tilmaamay in mar walba diyaar u yihiin waan waan nabadeed oo lagu gari karo heshiis dhexmara 2 maamul.

 

Magaalada Gaalkacyo ee ay ku dagaalameen Maamullada Puntland iyo Galmudug  ayaa waxaa ka soconaya wada xaajood nabadeed oo xal loogu raadinayo xiisaddaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!