
Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna u magacaabay Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”.
Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa ku sheegay sababta uu u magacaabay CabdiWaal inay tahay isagoo ka soo bixi kara howsha loo xilsaaray waayaragnimana u leeyahay.
“Cabdi Waal waa mas’uul ku xeeldheer dhanka ciidamada sidaa daraadeed ayaan uga dhigay taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna Waljamaaca”ayuu yiri Shaakir.
Magacaabida CabdiWaal loo magacaabay taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay jirto xiisad dagaal gobolada dhexe ee dalka.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf (Liibaan Madaxweyne) ayaa maanta ku biiray Ciidamada Ahlusuna ee ku sugan Dhuusa Mareeb.
Sarkaalkan ayaa ahaa Taliyaha qeybta 17aad ee guutada 1aad ee ciidamada xoogga dalka, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada dowladda ee ka qeyb qaadanayay sugida ammaanka shirkii maamul u sameynta Gobollada Dhexe
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira Dhuusa Mareeb, iyadoo wadooyinka degmada lagu arkayay ciidamo watay gaadiid dagaal oo gaaf wareegaya, waxaana jirta cabsi ah in dagaal uu dhex maro Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.