cabdiraxmaan Jaamac Bare oo xalay ku geeriyooday wadankaa America -Sawiro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

cabdiraxmaan Jaamac Bare oo xalay ku geeriyooday wadankaa America -Sawiro

Waxaa xalay magaalada San Diego gobolka California ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Cabdiraxman Jaamac Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii xilalka sare ka soo qabtay dowladii Kacaanka ee 21ka sano maamuleysay dalka.

Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay oo la yiraahdo Diriye Maxamed Siyaad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia.

Marxuumka oo da’diisu aheyd 79 sano jir ayaa waayadan dambe waxaa la soo dersay xanuuno kala duwan oo ugu dambeyn sabab u noqday geeridiisa sida ay sheegeen eheladiisa.

Cadiraxmaan Jamac Barre ayaa waxaa uu xilal sare kasoo qabtay dowladii kacaanka, isagoo soo noqday, ra’isul wasaare ku xigeen, wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka arrimaha dibadda.

Sidoo kale ayaa marxuunka ayaa dhinaca hooyada walaalo ka ahaayeen madaxweynihii dowlada kacaanka marxuum Maxamed Siyaad Barre oo dhinaca kale ay wada ahaayeen ilmo adeer.

Dhowaan ayey aheyd markii isla dalka Maraykanka uu ku geeriyooday Maxamed Cali Samatar oo ka mid ahaa saraakiisha ugu awooda badneyd dowladii kacaanka, isagoo soo soo noqday raisul wasaare iyo wasiirkii gaashaandhiga, magaalada Muqdisho ayaana aas Qaran.

Allaha u naxariistee marxuum Cadiraxmaan Jaamac Barre ayaa ifka uga tagay 15 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!