Cabdiraxmaan Faroole oo ku sheegay dadka ka qeyb galaya shirarka wadatashiga kuwa aan wax la socon. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdiraxmaan Faroole oo ku sheegay dadka ka qeyb galaya shirarka wadatashiga kuwa aan wax la socon.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ‘’Farole’’ ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shirarka looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka ee ka socda dalka.

Madaxeynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in shirarka ka socda Soomaaliya ay yimaadeen ka dib markii Dawladda Federaalka ay ku fashilantay hawlihii loo igmaday,beesha Caalamkuna ay kaso horjeesteen in waqti kororsi la sameeyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland Wuxuu ka digay in dib loogu noqdo Nidaamka Wax qaybsiga qabiilka ee loo yaqaan 4.5,kaasi oo uu sheegay in uu ceeb iyo Xaq daro ku yahay Ummadda Soomaaliyeed.

‘’Waxaan ka War hayaa in dad badan oo dadkaa wax loo dhigayaa aysan War qabin ama ha noqdeen maamulada dawladaha qaybta ka ah Federaalka ha wateen ama ha wateen dawlada dhexe inay doonayaan in qaab Xukuumadda Xamar joogta wax ay ku iman karto oo xafiiska ay dib ugu soo noqon karto ay doonayaan,dariiq kasta haloo mare,taasi oo keeni karta in dadku ay kala tagaan oo heshiis daro ay ka dhacdo oo Buuq dib loogu noqdo’’Ayuu yiri Dr. Farole.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dalka ay ka macaashaan dad ku soo qaato qandaraasyo umadda in wax loogu qabanayo la sheego laakiin dano gaar ah laga leeyahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!