Cabdirashiid Janan oo gaaray Balad-xaawo lana kulmay Taliyaha NISA

Read Time:1 Minute, 3 Second

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa haatan waxaa uu kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Taliye Fahad Yaasiin iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Maanta gaaray degmada Doolow, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Balad-xaawo oo uu tegay Cabdirashiid Janan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka u socda Fahad iyo Janan uu dhameystir u yahay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Janan, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la keeno Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Doolow ayaa haatan waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Federaalka, iyagoona qeyb ka ah Mas’uuliyiinta Caasimadda dalka keeni doona Wasiirkii hore ee amniga Maamulka, iyadoo diyaaradda qaadi laheyd ay taagan tahay Garoonka degmadaas.

Warar kale ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu soo saarto warqad lagu cafinayo, maadaama loo heystay dambiyo la xiriira xuquuqda bani’aadanimada.

C/rashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu heshiis la galay dowladda, isla markaana waxaa Maanta xilka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii uu heshiiska la galay dowladda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.