Cabdiqeybdiid: ” Maamulka Galmudug Caqabad kuma ah Dariskiisa

Cadaado ( Mareeg)-Cabdixasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Maamulka loo sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud uusan caqabad ku noqon doonin Maamullada ay dariska yihiin.

Qeybdiid ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in la wada dhowro daris wanaagsan ayna iska saaraan shakiga Maamulada dariska la ah Maamulka Galmudug.

Maamulka Puntland Masuuliyiintiisa ayaa eedeynayay muddooyinkii dambe Maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen in dastuurka uu baal marayo.