Cabdicasiis Lafta gareen oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdicasiis Lafta gareen oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed

Doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ugu guuleystey Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen kadib markii uu helay codad gaaraya 101 cod.

147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaana ku tartamay shan musharax oo kala ahaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow iyo Seyid Axmed Sheekh Daahir.

Hadal kooban oo uu jeediyay Cabdicasiis Laftagareen ayuu ku tilmaamay maanta inay tahay maalin weyn oo taariiqi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!