Gaalkacyo, November 9, 2013: R/waqsaarihii hore ee Soomaaliya ahan musharaxa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo, iyadoo si weyn logu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf.
C/weli Cali Gaas ayaa kasoo duulay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna u tegay Gaalkacyo inuu u tartamo xilka madaxweynaha Puntland oo dooraashasiida la qabanayo bishan Janaayo ee sanadka 2014, oo labo bilood oo kali ah naga xigaan.
Gaas waxaa soo dhaweyntii ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug sida Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiin, Ururka Haweenka, Ururada Dhalinyarada, Ganacsatada gobolka Mudug , oo dhamaatoodba si aan horay loo arag ugu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo.
Musharax Cabdiwali Gaas ayaa bartamaha garoonka diyaaradaha kula hadlay boqolaal qof oo ka soo qayb gashay soo dhawayntiisa isagoona uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyen magaalada Gaalkacyo mar kale isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay dareenka sare ee taageerda ah ay u muujiyeen shacabka magaalada Gaalkacyo.
Waxaa kaloo u sheegay Prof Gaas in uu ka qayb qaadan doono isbadalka siyaasadeed ee Puntland isla markaana uu muujin doono sida u ugarab taagan yahay shacabka Puntland ee doonaya in lagala shaqeeyo isbadal maamul oo ku yimaada dawlada Puntland sanadka 2014 oo ay dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland.
Prof Cabdiwali Gaas ayaa loo gudbiyay Gurigiisa oo kuyaala duleedka magaalada Gaalkacyo waxaana uu kula kulmay qaar ka tirsan odayaashii ka qayb galay soo dhawayntiisa isagoo sheegay in uu kulamo la qaadan doono qaybaha bulshada ee gobolka Mudug isla markaana bilaabi doono la hadalka shacabka gobolka iyo guud ahaan Puntland.
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka bilaabi doona ol’olahiisa doorashada Puntland, isagoo wajahaya tartan ay ka qeybgelayaan musharrixciin fara badan.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee ka qayb galaya doorashada qabsoomi doonta 8-da bisha Janaayo ee sanadka nagu soo aadan, isagoo magaciisu soo shaac baxay kadib markii uu noqday R/wasaaraha dowladda Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2011.
Mareeg.com