Cabdi Waal laga sheegay Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Waal laga sheegay Guriceel

Mareeg.com: Warar soo baxay oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo horay uga tirsanaa kooxdii la baxday “La Dagaalanka Argagixisada” uu ka baxsaday Muqdisaho, islamarkaana gaaray tuulada Guriceel ee ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasoo ay beeshiisu degantahay.

Ma cadda sida Cabdi Nuure ku gaaray Guriceel oo aad uga fog Muqdisho, iyadoo la ogyahay in ninkaas ay adkeyd inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho, maadaama ay dowladdu raadineysay, Alshabaab maamulaan maamulaadn deegaano badan uu dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Guriceel.

Cabdi Waal ayaa la sheegayaa inuu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho isaga oo la baxsaday naftiisa, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheysay inay soo qabato oo ay xirto bishaan August, hase ahaatee uu faro cidda leh ku fakaday.

Dadka reer Guriceel ayaa shalay aad u hadal haayo in Magaalada uu soo gaaray Cabdi Waal, balse ilaa hada majirto cid si rasmi ah uga hadashay tagitaanka Cabdi Waal ee Magaalada Guriceel.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, waxa ay ka wadaa howlgalka hub ka dhigista oo saameeyay siyasiyiin badan, waxaana Cabdi Waal ka mid ahaa ragii guryahooda la weeraray balse aan la qaban.

Cabdi Waal ayaa ka mid ahaa kooxaha loo yaqaano Qas-wadayaasha ee ku sugnaa Muqdisho, loonaa aaneeyo iney ka dambeeyaan falal amaan darro oo ka dhacay magaalada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!