Garowe–(Mareeg.com): Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu kala direy Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Puntland oo waqtigoodu maanta ku ekaa.
Golaha Wakiilada ee maanta la kala direy ayaa xilka loo dhaariyey dhamaadkii sanadkii 2008, waxaana ay ahayd in ay xilka hayaan muddo 4 sano ah, hase ahaatee shirkii ansixinta dastuurka ayey ku darsadeen iyaga iyo xukuumadda Puntland hal sano oo dheeraad ah.
Shirkii Maanta lagu kala direy Golaha Wakiilada waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland, Qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidanka iyo marti sharaf kale oo badan.
Xubno badan oo ka mid golaha wakiilada Puntland ayaa ayaa fadhiga maanta ka maqnaa, iyadoo taas loo sababeeyey in qaar badan ku mqan yihiin degmooyinka si ay dadkooda markale uga soo helaan xubinimada baarlamaanka oo duubabku dib usoo xulayaan baaarlamaan cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo khudbad soo jeediyay ayaa sheegay in baarlamaanka waqtigiisu manta dhamaaday, wuxuuna xusay inuu gaaray guul badan 5-tii sano ee uu aqalka fadhiyay, wuxuuna sheegay inay meel mariyeen xeerar kala duwan oo 9-kii fadhi la horkeenay.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ku dhawaaqay Baarlamaanku inuu waqtigiisii dhamaaday ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida kartida leh ee ay shaqada u soo qabteen, wuxuuna sheegay taariikhda inay xusi doonta Baarlamankan maadama ay wax badan oo dalka dani ugu jirto qabteen.
Ansixinta Dastuurka Puntland ayuu sheegay Cabdiraxmaan Farole inay ka mid ahayd waxyaabihii guusha laga gaaray, wuxuna baarlamaanka cusub ee imaan doono dhowaan ugu baaqay inay noqdaan kuwo karti iyo aqoon u leh sidii shacabka loogu hoggaamin lahaa wadada wanaagsan.
Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa ka koban 66 Xildhibaan, waxaana la sheegay in intooda badan ku jireen golahaas tan iyo markii la dhisay maamulka Puntland 15 sano ka hor.
Xubnaha maaanta la kala diray ayaa iminka dadaal ugu jira sidii ay mar kale u heli lahaayeen boosaskii ay ku fadhiyeen, waxaan Faroole manta hadal u jeedeeyey sheegey in uu rajeynayo in badankood dib u soo laaban doonaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in caawa xaflad weyn la qaban doono taas oo uu ka jeedin doono khudbad dheer, isla markaana loo dabaaldegayo hawlihii badnaa ee Golaha Wakiiladu qabteen.
Duubabka deegaanada Puntland ayaa laga sugayaa iney soo xulaan baarlamaan cusub kadib markii uu fashilmay qorshe madaxweyne Faroole waday oo ahaa in la dhaqan geliyo axsaab, waxaana la filaa in bilowga sanadka cusub Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha deegaanka ee cusub.
Mareeg.com