Cabdi Qeybdiid: Puntland waxey dhaqaale siisaa koox dumarka kufsada iyo burcad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Qeybdiid: Puntland waxey dhaqaale siisaa koox dumarka kufsada iyo burcad

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyey maamulka Puntland inuu dhaqaale ku bixinayo sidii loo fashilin lahaa maamulka la doonayo in loo dhiso deegaanada gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi Qeybdiid oo shalay hadal ka jeediyey magaalada Dhuusamareeb oo uu booqasho ku tegay ayaa carabka ku adkeeyey in maamulkaas dhaqaale siinayo kooxo uu wax magarato ku tilmaamay oo kasoo jeeda gobollada Dhexe.

Sidoo kale, wuxuu Qeybdiid sheegay in Puntland dhaqaale siineyso burcadda isbaarooyinka dhigata iyo kuwa dumarka kufsada sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka Puntland wuxuu caqralad ku yahay dhismaha maamulka gobollada dhexe, wuxuu lacag ku bixinayaa kooxo wax-magarato ah oo inaga naga mid ah iyo kooxaha jidadka taagan iyo kuwa dumarka kufsada” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeydiid ayaa ku doodaya in Puntland dooneyso iney gobolada dhexe ku calaameyso goob aan amaan ka jirin “Puntland waxey been abuur ka sheegeysaa gobollada dhexe, waxey dooneysaa iney ka dhigto meel aan nabadgelyo ka jirin” ayuu sidoo kale yiri Qeybdiid.

Dhanka kale, Cabdi Qeybdiid ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay ineysan la wareegin dekedda Boosaaso, isagoo tilmaamay in dhaqaalaha kazoo baxa halkaas lagu waxyeeleeyo oo loogu xoog sheegto dadka ku dhaqan gobollada dhexe sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay Cabdi Qeybdiid in Puntland oo gaar u heysata waxa ay leedahay, hadana loogu daro wax dheraad ah, wuxuuna dowladda federaalka ah ku eedeeyey ineyan arrintaas wax ka qaban.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhawaan isku maandhaafay garoon cusub oo dhawan laga dhisay koonfurta Gaalkacyo, kaasoo maamulka Puntland diyaaradaha uga digay iney kazoo degaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!