Cabdi Qeybdiid oo kala diray golihii wasiirrada maamulka Galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Qeybdiid oo kala diray golihii wasiirrada maamulka Galmudug

Gaalkacyo – Mareeg.com: Hogaamiyaha maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybiid) ayaa maanta kala diray dhamaan golihii wasiirada maamulka uu hogaamiyo.

Cabdi Weybdiid oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu dhamaanba kala diray golihii wasiirrada maamulka Galmudug.

Wuxuu Cabdi Qeybdiid kala dirista wasiirrada sabab uga dhigay iney noqdeen kuwa habacsanaan ka muuqato oo aan laheyn waxqabad wanaagsan.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu qorsheynayo soo dhisidda gole wasiiro oo cusub oo ka tayo roon kuwii hore.

Maamulka Galmudug ayaa la sheegaa inuu yahay maamul aan firfircooneyn, oo ka awood badan yihiin maleeshiyo beeleedka deegaanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!