Cabdi Qeybdiid: Nabadoono aan sax aheyn ayey dowladdu soo dirtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Qeybdiid: Nabadoono aan sax aheyn ayey dowladdu soo dirtay

Mareeg.com: Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah musharraxiinta xilka maamulka la doonayo in loo dhiso Mudug iyo Galgaduud ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin shirka ka socda degmada Cadaado.

Cabdi Qeybdiid oo la hadlay BBC ayaa sheegay in shirka la geeyey odayaal badan oo waraaqo ka wata wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay ineysan aheyn duubabka dhaqanka ee dhabta ah.

“Dad Xamar laga uruuriyey oo aan dhaqan aheyn ayaa waxay galeen booskii oday dhaqameedyada, dadkaas waxey wataan aqoonsiyo ay siisay wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegaya iney duubabka beel heblyo iyo beel heblo, waana wax laga xumaado in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay siiyeen aqoonsi ah nabadoonka reer hebel”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu ku dooday in dowladda faragelin ku heyso shirka maamul sameynta ee ka socda Cadaado, wuxuuna yiri “Dowladdu waxay fara gelin qaawan ayay ka dhex wadaa shirka maamul u sameynta, dowladda waa ka dhega fureysatay baaqeena, wax walbana waa is kala weyn tahay, waxaa u muuqda danaha siyaasadeed ay leedahay”.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in sababaha loo kala diray Guddigii Farsamada ay tahay in Guddigu ay shirka marin habaabin ku wadaan, taasna ay keentay inay ka caroodaan saxiixayaasha iyo odayaasha dhaqanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay ineysan wax faragelin ah ku heynin shirka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in guddiga farsamada maamul u sameynta Muqdug iyo Galgaduud uu shaqeynayo, awoodna u leeyahay inuu guto waajibaadkiisa.

Muranka haatan taagan ayaa ah mid ku saleyn loolaan aan waqtigiisa la gaarin oo ku saabsan cidda kusoo bixi doonta xilka madaxweynaha maamulka la filayo in la dhiso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!