Cabdi Qaasim Salaad Oo Ka Xun Khilaafka Ka Dhex Aloosan Madaxda Dowladda Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 38 Second

Qaahira, Mareeg.com: Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, laguna soo dhifay tuulada Carta ee dalka Jabuuti C/qaasim Salaad Xasan ayaa muujiyey sida uu uga xumaaday khilaafka ka aloosmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Saacid.

C/qaasim oo u warramayay warbaahinta Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarrunta dalka Masar ayaa sheegay in khilaafkan uu ragaadin karo horay u socodka Soomaaliya, wuxuuna xusay in khilaaf uusan waxba soo kordhinayn, ayna ka wanaagsan tahay in la heshiiyo.

“Waan ka xumahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya, waayo waxaa la filayay dhowr iyo labaatan sano kaddib in laga baxay xilli khilaaf iyo is-qabasi, arrintanna waa mid ay ka xun yihiin shacabka oo dhan,” ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan.

Cabdi Qaasim Salaad ayaa sheegay in khilaafkani dib u dhac ku keeni karo sanad shaqo oo hora loo soo qabtay, wuxuuna yiri “Halkii sano ee dowladda shaqeyneysay ee aad looga hanweynaa in maanta dib u dhac ku yimaaday waa wax aad ayaan daro u ah, iyo dowladii rajada laga qabay 20-sano ka bacdi markii rajo weyn ka qabnay in dalka xasilo”.

C/qaasim ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay khilaafkooda xaliyaan, isagoo soo jeediyay in gudi dhex dhexaad ah loo saaro.

“Waxaa codsanayaa in gudi labada dhinac ku kalsoon yihiin loo saaro, wax waa la isku khilaafi karaa, wax la isku khilaafay ma ahan aayad quraad in dad waxgarad loo qabto oo arrintan soo xaliya oo xal ka keena, si dhex dhexaad ah lagu heshiiyo, howshana sii socoto” ayuu ku taliyay Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Dr. C/qaasim Salaad ayaa naftiisu soo tijaabiyey khilaafka nuucaan iyadoo muddo 3 sano ah oo dowladdiisu jir MACALLINKIU WAA SIDA ROOB DA.docxtay uu magacaabay 3 R/wasaare oo kala ahaa: Cali Kahliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax iyo Maxmed Cadbi Yuusuf.

Cabdi Qaasim Salaad ayay is khilaafeen labadii R/wasaare ee hore oo kala ahaa: Cali Khaliiff Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %