Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay + Sawirro — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay + Sawirro

Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay.

Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar.

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.

Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah:

Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka

Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta

Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha

Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!