Cabdi Jiinow: Sharciga ayaa la keeni doonaa dadkii booliska ku laayey Balcad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Jiinow: Sharciga ayaa la keeni doonaa dadkii booliska ku laayey Balcad

Jowhar – Mareeg.com: Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow ayaa ka hadlay wwerar shalay ciidamo ku sugnaa degmada Balcad ay ku qaadeen boolis laga diray Muqdisho oo kusii jeeday magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkii shalay booliska wadada marayey lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 askari, waxaana la dhaawacay ilaa 10 kale, iyadoo lu gubay gaari boolisku lahaa, mid kalana la dhacay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Balcad.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in weerarkaa uu salka ku hayay amar diido uu sameeyay Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay sida uu yiri.

“Waxaa filayaa in dagaalka salka ku hayay amar diido uu sameeyay Cusmaan Xaadoole oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaa socda kulan Gudiga Ammaanka qaranka leeyihiin, sharciga ayaana la soo taagayaa cidii ka dambeysay”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in maxkamada lasoo taagi doono ciddii ka dambeysay in la laayo ciidamo boolis ah oo marayey degmada Balcad.

“Ciddii ka dambeysay dagaalkii Balcad ka dhacay sharciga ayaa la horkeenayaa. Waxaa socda kulan ay arrintan ka leeyihiin guddiga ammaanka Qaranka, waxaana laga soo saari doonaa amar cad,” ayuu yiri Cabdi Jiinoow.

Cabdi Jiinoow ayaa xilka la qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Xaadoole lix bilood ka hor, isagoo diiday inuu xilka wareejiyo, taasoo keentay in khliaaf aad u xooggan uu soo dhexgalo labada dhinac.

Weerarka lagu laayey ciidamada booliska ah ayaa ah fal dambiyeedkii ugu xumaa ee inta la xuxuusto ka dhacay degmada Balcad, waxaana wax lala yaabo ah sababta wasaaradda ku shaqada leh arrintaas u xalli weysay inta aan dhibaatadu heerkaan gaarin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!