Cabdi Jiinow Iyo Koba-ku-tukade Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Fatahaada Iyo Colaadda Heysta Jowhar

Read Time:1 Minute, 48 Second

Jowhar, Mareeg.com: Fatahaadda bilihii lasoo dhaafay uu webiga Shabeelle ka sameeyey hareeraha magaalada Jowahr ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa laga cabsi qabaa iney ku faafto deegaano kale oo aysan horay u gaarin.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay iney ka ka casbi qabaan in fatahaaddu ku faafto meelo hore oo ku began deegaanada Shabeellaha Hooose deriska kala yahay Shabeellaha Dhexe.

“Waxaa halis ah in fatahaada wabiga Shabelle ay musiibo weyn ka dhalato, waxaa cabsi laga qabaa in fatahaada ay gaarto dhulal hor leh, gaar ahaan wadada Tixsiile ee aada Shabellaha Hoose” ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Cabdi Jiinow ayaa dhanka kale ka hadlay cooladaha ka jira bariga Jowhar, wuxuuna xusay in deegaanada beeluhu ku dagaalamee uusan gaarin maamulka dowladda, Alshabaabna aysan gacanta ku heyn.

“Dhulka la isku heysto meel maamul ka jiro ma ahan, Al-Shabaab ma joogto, dowladda ma joogto, marka waxaa bur buray heshiiskii labada beelood gaareen, colaadii waa soo cusboonaatay, beelihii dagaalamay waa isu keenay waxay wada qaateen nabad iyo in la isu soo noqdo”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Dhanka kale, gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade ayaa ka hadlay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo tilmaamay in aanu maamul ka jirin magaalada Jowhar.

Yuusuf Kaba-kudukade oo la hadlay idaacada afka Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in fatahaada wabiga Shabelle uu maasheeyay magaalada Jowhar iyo tuulooyin ka tirsan Sh/Dhexe.

“Fatahaada wabiga Shabelle wuxuu maasheeyay qeybo badan oo magaalada Jowhar ka tirsan ilaa ay ka go’day wadada laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo Gobolada dhexe”ayuu yiri Mr Kaba-kudukade.

Mr Kaba-kudukade ayaa sheegay in mudadii afarta sano ee Al-Shabaab ka talinayeen Shabellaha Dhexe aysan wax fatahaad ka dhicin, isla markaana ay mas’uuliyad weyn iska saareen sida uu yiri.

“Afarti sanadood ee mujaahidiintu maamlayeen wax fatahaad ah kama dhicin gobolka oo mas’uuliyad ayaan iska saaraynay fatahaadda hadda waxa meesha kajira waa gumeysi aan dadka u naxayn”ayuu yiri Sheekh Kaba-kudukade.

Fatahaadda uu sameeyey webiga Shabeelle ayaa socota in kabdan 3 bilood, waxaana kala xirmay Muqdisho iyo Jowhar oo doonyo iyo makiinadaha beeraha fala la isaga gudbaa.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %