Caasimadaha Muqdisho iyo Ankara oo la mataaneynayo kadib markii heshiis la saxiixay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Caasimadaha Muqdisho iyo Ankara oo la mataaneynayo kadib markii heshiis la saxiixay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabadirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Dhiggiisa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Mudane Dr. Mustafa Tuna ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu cusboonaysiinayo mataaneynta Caasimadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada Maamul ee Muqdisha iyo Ankara ay is-dhaafsadaan khibradda dhanka maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

Labada Duq ee Muqdisho iyo Ankara ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay mataaneynta labada magaalo iyo sooyaalka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya, kaas oo ku suntan tan iyo sannadkii 1988-dii.

“Si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada caasimadood, loona horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee dawladaha hoose ee Muqdisho iyo Ankara ayaa labada dhinac waxa ay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska mataaneynta labada magaalo, kaas oo ku dhisan iskaashi, is-taakuleyn iyo wax wada-qabsi.”

Heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Ankara ayaa dhigaya in la xaqiijiyo qodobbada soo socda:

 

1.In la is-waydaarsado khibradda dhanka maareynta iyo hannaanka fulinta isbedellada qorshaynta magaalooyinka, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, ilaalinta deegaanka, dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska.

2.In la xoojiyo iskaashiga labada magaalo, iyadoo loo marayo martigalinta dhacdooyinka iyo bandhigyada ku saabsan arrimaha dhallinyarada, dhaqanka iyo hiddaha, tababarrada xirfadaha iyo ciyaaraha.

3.Dhiiri gelinta iyo hirgelinta dhammaan qorsheyaasha iyo mashaariicda ku qotama kor u qaadidda horumarinta guud ee labada magaalo.

4.Waaxda Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Waaxda Xiriirka Dibadda ee Dawladda Hoose ee Ankara ayaa u xil saaran joogteynta xiriirika iyo isku-dubaridka shaqooyinka labada magaalo, iyagoo wakiil uga ah dawladahooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!