Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro”

Inta la og yahay 7 qof ayaa ku geeriyoodeen weerar lagu qaaday goobo milatari oo ku yaalla duleedka magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.

Rasaas is-weydaarsi iyo qaraxyo ayaa laga maqlay bannaanka caasimadda dalka Burundi saacadii hore ee maanta, kadib markii mintidiin ay weerareen laba saldhig oo milatari.

Afhayeen u haddlay Dowladda ayaa sheegay in Kooxda weerarka soo qaaday uu damacoodu ahaa in ay la baxaan Maxaabiis ku jirtay Xarumaha ay weerareen hase ahaate aaney u suurtagalin sida uu hadalka u dhigay.

Burundi ayaa madaxa la gashay xasarado bishii April, markii madaxweynaha dalkaas uu ku dhawaaqay inuu is-sharxi doono markii saddexaad. Dadka isaga kasoo horjeeda ayaa ku eedeeyey inuu ku xadgudbayo dastuurka dalka oo dhigaya in laba mar ka badan uusan xilka dalka qaban karin, iyo sidii kale heshiiskii lagu soo geba gebeeyey dagaalkii sokeeye ee dalkaas oo socday 12 sano.

QM ayaa sheegtay in rabshado dhacay tan iyo markaas ay dileen 240 qof, ayna ku qasbeen 200,000 oo reer Burundi ah inay dalkooda ka barakacaan331

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!