C/raxmaan C/Shakuur oo War yaab leh kasoo saaray Dad lagu xiray Magaalada…

Read Time:50 Second

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ku xirtay magaalada Beledweyne ku dhawaad 30 ruux, kuwaasoo kasoo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in dadkaasi shacabka ah loo adeegsaday in ay gacanta kusoo dhigaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in ay xoriyadooda u soo celiyeen dadkaasi shacabka ah ee sida sharci darrada ah loo xiray.

“Waxaan xog ku haynaa in magaalada Beledweyne lagu xiray 30 ruux oo dhaqdhaqaaqayaal bulsho ah. Waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlada Federaalka in ay dadkaas dib loogu soo celiyaan xoriyadooda.”

Waxa uu intaasi kusii daray “Waa xaq dastuuri ah in cabashada lagu muujiyo dibadbax nabad ah, waxaa danbi ah in awooda dawlada iyo tan iyo ciidanka AMISOM loo adeegsado caburrinta, cagajuglaynta iyo cadaadiska shacabka”.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa shalay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku xiray dadweyne badan, kuwaasi oo lagu sop qabtay howlgal ballaaran oo laga sameeyay xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %