C/rashiid Janan oo markii ugu horeysay ka soo muuqday Warbaahinta
“Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubaland ayaa booqday taliska ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Beladxaawo, waxaana wasiirada ka mid ah wasiirka amniga Jubaland Cabdiraahiid Janan.” ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyey warbaahinta Jubbaland oo aan laheyn faahfaahin intaas ka badan.
Qoraalka ayaa waxaa la raaciyey sawiro uu ka dhex muuqday Cabdirashiid Janan oo la taagan madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo ciidamo hubeysan, kuwaasoo ku sugnaa meel aan si madax banaan loo xaqiijin karin oo ku taalla xadka Somalia iyo Kenya.
Ciidamo ka amar qaata dowlada Somalia ayaa la sheegay iney shalay la wareegeen degmada Belad-xaawo taasoo aan suuragal ka dhigeynin in kulankan uu ka dhaco degmadaas, waxaana C/rashiid Janan uu joogay maalmahan degmada Mandhera halkaasoo ay u badan tahay inuu kulankan ka dhacay.
Comments are closed.