Read Time:1 Minute, 27 Second
Mareeg.com: Afgenbigii la isku dayey dalka Burundi ayaa dhicisoobay, waxaana talada dalka dib gacanta ugu dhigay ciidamada taageersan madaxweyne Piere Nkurunzinza oo isagoo ku maqan Tanzania gadaashiisa looga dhawaaqay afgembi.
Laba lataliye Boolis iyo Generaal isku dayay maalintii Arbacada ahayd, in ay xilka ka tuuraan madaxweynaha Burundi Piere Nkurunzinza, ayaa lagu xiray caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.
Afhayeenka madaxweynaha, waloow uu sheegayo in hoggaamiyihii isku dayay afgambiga General Godefroid Niyombare, uu weli baxsad yahay.
Madaxweyne Pierre Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya dalkiisa waqtigan, kaddib markii uu ku dhaawaqay in uu dalka ku soo noqday xalay.
Dadka kale ee la xirxiray ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka hoggaamiyaha afgambiga sameeyay Cyrille Ndayirukiye, iyo hoggaamiyayaal sar sare oo ku jira milatariga.
Ciidamo kale oo ku lug lahaa isku dayga afgambi ayaa isdhiibay, kadib markii sida la sheegay laga itaal roonaaday. Waloow afhayeenka Booliska uu sheegayo in Generaal Godefroid Niyombare, oo horkacayay kacdoonkan uu weli baxsad yahay.
Mar sii horaysay Generaal Niyombar, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isdhiibo, kaddib markii uu fahmay in inta badan ciidamadda ay taageersan yihiin dowladda hadda jirta.
Madaxweyne Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya shacabkiisa saaka, kaddib markii uu dib uga soo laabtay dalka dariska la ah ee Tanzania, oo uu kaga qeybgalayay kullan gobalka ah, markii lagu dhawaaqay isku dayga afgambi.
Xabada goos goos ah ayaa laga maqlayay saaka caasimadda, balse hadda xaalku waa daganyahay.
Afgembiga la isku dayey ayaa dhashay kadib markii muran xooggan ka dhashay madaxweyne Piere Nkurunzinza oo doonaya iney mar 3-aad u tartamo xilka madaxweynaha.
Debadbaxyo socday muddo dhowr maalmood ah kadib ayaa madaxweyne Piere Nkurunzinza waxaa madaxda dalalka Bariga Afrika uga yeereen dalka Tanzania si ay talo u siiyaan, waxaana isagoo halkaas jooga dhacay afgembiga fashilmay.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %