Muqdisho, Mareeg.com: Dalka Burundi ayaa hogaanka ciidamada AMISOM kala wareegay dalka Uganda oo kursigaas ku fadhiyey tan iyo sanadkii 2007 oo ciidamada AMISOM Soomaaliya soo galeen.
Taliyaha cusub ee u dhashay Brundi ayaa lagu magacaabaa Lt. Gen. Silas Ntigurirwa, wuxuuna kursiga ka badelayaa Taliyihii hore ee AMISOM Lt. Gen. Andrew Gutti oo u dhashay dalka Uganda.
Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa ayaa waxaa uu horay u soo noqday Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Difaaca ee dalka Brundi.
Dowladda Uganda oo laheyd ciidamada ugu horreeyey ee AMISOM ka socda ee Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa saddex Taliye oo dalkeeda ka socda soo mareen hogaanka ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in sanadka cusub ee 2014 la gaarsiiyo ilaa 23 kun oo askari, waxaana la filayaa iney kusoo biiraan ciidamada ka socda Itoobiya.
Mareeg.com