Burcad Nuuc cusub ah oo dadka ku dhici jirtay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Burcad Nuuc cusub ah oo dadka ku dhici jirtay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska Saldhiga Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo burcad ah, kuwaa oo watay hub been abuur ah iyo gaari ay dadka wadooyinka maraya uga dhici jireen moobeelada iyo sidoo kale Cumputerada gacanta lagu qaato.tugo_4

Labadan nin ay qabteen ciidamada booliiska ayaa wadooyinka ku ugaarsan jiray dadka ay u arkaan in ay wataan moobeelo qaali ah iyo Cumputero, waxa ayna ddaka ku dhici jireen hub been abuur ah sida bistoolado, burcadan ayaana aheed nuuc cusub oo magaalada dhawaan kusoo korortay.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab), ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay ku guuleesteen in ay soo qabtaan rag burcad ah oo dadka ku dhici jiray bistoolado aan jirin iyo gaari yar ay wateen.tugo_2tugo_3

tugo_5

Taliska booliiska ayaa soo bandhigay moobeelo badan ay ragan burcada ah dhaceen iyo sidoo kale Cumputer, waxa ayna ragan inta badan ka qaraaban jireen Degmooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa, waxaa sidoo kale magaladaa ka jira burcad ragan oo kala ah oo qaarkood wata hub caadi ah sidoo kale xiran dareeska ciidanka Dowlada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More