Burcad Hubeysan Oo Lacag Xoog Leh Ka Dhacay Shirkad Degan Suuqa Bakaaraha

Read Time:39 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa maanta dhac u geystay mid ka mid ah shirkadaha ganacsiga Muqdisho ee ka howlgala Suuqa Bakaaraha.

Shirkadda la dhacay oo laga magacaabo SAFA GROUP ayaa ka mid ah shirkadaha iibiya caanaha gascadeysan, waxaana dhacay labo nin oo watay bastoolado iyo gaari yar.

Cali Nuux oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda la dhacay ayaa sheegay in lacag dhan $50,000 dollar laga qaatay shirkadaas, islamarkaana raggi dhaca geystay baxsadeen.

Cali ayaa sheegay in raga dhacay ay u ekaayeen kuwo muddo wiideysanayey shirkadda iyo howlaheeda, wuxuuna sidoo kale tilmaamay iney u badinayaan in ragaasi ahaayeen ciidamada dowladda ama kooxaha dharkooda ku labista.

Dhaca shirkadaha ayaa dhawaanahaan ku yaraa suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee falalka nuucaan ah ayaa ku dhaca sid kedis ah.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %