Mareeg.com: Sida ay qortay wakalaada wararka AP, qolooyinkii weday wada xaajoodka lagu sii daayey wariye Michael Scott Moore oo heystay dhalshada Mareykanka iyo Jarmalka, waxaa la bixiyey lacag dhan $1.6 Milyan dollar si loo sii daayo.
Wariyahan ayaa maleeshiyaad hubeysan waxey bishii 1-aad ee sannadkii 2012-kii ka afduubteen meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana la sii daayey salaasadii lasoo dhaafay.
Sawsan Chebli oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha debadda Jarmalka ayaa sheegtay in wariyaha oo cafimaad qaba la geeyey dalka Kenya.
Bile Hussein oo ah sarkaal ka tirsan burcad baddeeda Soomaalida ayaa AP u sheegay in wada hadal dhex maray wakiilo Soomaali ah oo Jarmalku soo dirsaday iyo burcad badeed lagu sii daayey wariyahaas.
Wariyahan ajnabiga ah ayaa markii hore lagu haystay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, iyadoo burcdddii haystay ay horay u dalbadeen madax-furasho lacageed oo gaaraysa 20-milyan oo doollarka Mareykaka ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.