Jowhar, Mareeg.com: Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la xiray Buqda Baarrey oo aheyd meeshii uu ka fatahay Wabiga Shabelle bishii Agoosto ee sanadkan 2013, taasoo keentay in magaalada Jowhar go’doon gasho, islamarkaana tuulooyin farabadan laga barakaco.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow, guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdulle, guddoomiyaha degmada Mahaday Shariif Abuukar, guddoomiyaha guddiga maareynta masiibooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe Cismaan Maxamed Muqtaar iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Jowhar ayaa booqday buqda Baarey oo lagbu guuleystay in la xiro.
Cabdi Jiinow Calasow oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hadal uu ka jeediyay buqda la xiray ku sheegay in maamulku ku dadaali doono inaan fataahad dambe kusoo laaban Jowhar iyo hareeraheeda.
Cabdi Jiinow ayaa ku amray gudoomiyaasha tuulooyinka ku hareereysan Jowhar iney mar kasta la socdaa xaaladda webiga, si hadii laga baqo fatahaad deg deg looga hortago.
Dhan kale, xubnihii ka socday maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay booqdeen tuulooyinka Timire iyo Geedo-Barkaan oo ka mid ahaa deegaanadii ku gubtay dagaalo beeleedyo ka dhacay Bariga magaalada Jowhar.
Wuxuu u sheegay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah dad dib ugu soo laabtay deegaanka Geedo-barkaan ayaa sheegay in maamulka gobolka Sh/dhexe uu dib u dhisi doono tuulooyinkii ku gubtay dagaalada sokeeye waxana uu ugu baaqay dadka ku barakacay dagaalada sokeeye in ay dib ugu laabtaan deegaanadoodii.
Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe bishoo 8-aad ee sanadkaan, waxaana la sheegay in xiritaanka buqda Baarrey ay gacan ka geysatay hay’adda ICRC.
Mareeg.com