Bulshada Rayidka: Khilaafka madaxda halagu xaliyo Dastuurka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Bulshada Rayidka: Khilaafka madaxda halagu xaliyo Dastuurka

Mareeg.com: Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Baaq Ururrda Bulshada Rayidka ah ayaa wuxuu u Qornaa sidan:

  1. Ururrada bulsahda rayidka waxay ka walwalsan yihiin khilaafaadka soo kala dhex-galay madaxda ugu sarreeya dowladda. Kilaafkan wuxuu yimid xili bulshada Soomaaliyeed ay u soo muuqatay neecowda dowladnimo, sidoo kalena horumar laga sameeyay qaybo badan oo howlihii dowladda Somalia loo igmaday.

  2. Bulshada rayidka ah waxay aragti mideysan ka tahay khatarta baaxadda weyn leh ee ka imaanaysa khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda, taasoo niyad-jab culus u keenaysa hamigii dowladnimo isla markaasna mija-xaabin ku noqon karta dadaalladii caalamiga ah ee ku aaddan qorshaysnaa 2016-ka.

  3. Ururada bulshada rayidka ah waxay dareemayaaan in khilaafkaani keeni karo in Somalia dib ugu noqota dhibaatooyinkii ay horay ugu soo gudubtay. Sidoo kale waxay abuuri kartaa niyad jab ku yimaada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo howl-wadeennada dowliga ah ee dalka sida ciidanka amniga.

  4. Ururrada bulshada rayidka waxay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjaraan khilaafka ku dhex-jira, iyagoo isticmaalaya dastuuriga oo loo sameeyay in khilaafaadyadan oo kale ah lagu xalliyo. Waxaa kaloo loogu baqayaa, muujiyaanna dabacsanaan si loo gaaro himaliada la wada hiigsano.

  5. Ururrada bulshada waxay kula xisaabtamini doonaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda dhibaatadii ka timaada is-qab-qabsiga aan la filayn ee soo dhex-galay.

  6. Ururrada bulshada rayidka, waxay aaminsanyihiin in baarlmaanku yahay udubka sharci u sameynta dalka lagu maamulayo, sidaas dardeed waxaa looga fadhiyaa inay u noqdaan ummadda tusaale isku mashquuliyaanna inay xal u helaan khilaafka ka dhex-jira madaxda dowladda.

  7. Bulshada rayidka waxay aqoonsan tahay inaysan mas’uuliyad xildhibaan ahayn in la isku adeegsado warbaahinta, lana joojiyo hadalada is qilaafsan ee kasoo yeeraya, kuwaasoo dhaawici kara dareenka iyo niyadda shacabka Soomaaliyeed.

  8. Ururrada bulshda rayidka waxay waqti geliyeen in la gaaro is-faham iyo wada-shaqeyn buuxda oo dhax-marta mas’uuliyiinta dalka; iyagoo kulammo la qaatay dhammaan dhincyada isku haysta waxaana ay sii wadi doonaan dadaalladooda.

  9. Bulshada rayidka ee abaabulan waxay daba-gal joogto ah ku sameyn doonaan wixii caqabad iyo dib u dhac ku keeni kara geeddi-socodka Higsiga sannadka 2016-ka, sida aftida dastuurka iyo doorasho xor ah oo dalkan ka dhacda, iyagoo kaalmeysanaya ummadda Soomaaliyeed.

  10. Saxaafadda madaxa-bannaan iyo tan dowladda waxaan ugu baaqaynaa inaysan sii hurin khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, abuurina kara jawi deggenaan la’aan keeni kara.

  11. Bulshada rayidka ee abaabulan waxay sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay u hiilliyaan nabadda iyo xasilloonida kana fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wada-noolaashahooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!