Britain oo balan qaaday iney dowlada Somalia ka taageereyso Saddex qodob oo Muhiim ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Britain oo balan qaaday iney dowlada Somalia ka taageereyso Saddex qodob oo Muhiim ah

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Gulled (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal Somaaliya iyo Britain.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare  kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi RW xigeen dalka.

Britain ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha Xukuumada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.