Bosaso:Qarax ka dhacay hotel Roble iyo dhimasho? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Bosaso:Qarax ka dhacay hotel Roble iyo dhimasho?

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay saddex kale oo uu ku jiray xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka Bari Bashiir Ismaaciil Hoobaley.

Weerarkan oo ka dhacay Hotel Roble oo ku yaal dhabarka dambe ee saldhiga booliska magaalada Boosaaso ayaa dadkii ka dambeeyay weerarka ay halkaasi ka baxsadeen,hase yeeshee ciidamada booliska ayaa furay rasaas waxayna ciidamadu sameeyeen baaritaano ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka.

Hase yeeshee illa aiyo hadda lama sheegin cid loo soo qabtay weerarkan bambaanada ah. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka maxkamada gobolka Bar  Maxamuud Cad-Ceed iyo haweeney goobta ku sugneyd.

Qofka dhintay ayaa la sheegay in ay ahayd haweeney goob ganacsi ku lahayd agagaarka Hotel Roble.

Magaalada Boosaaso ayaa degeneyd maalmihii la soo dhaafay kadib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay 3dii bishan,waxana weerarkas ku geeriyooday toban ruux halka ay ku dhaawacmeen soddon kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!