
Mareeg.com: Boqortooyada Scuudi Carabiya ayaa shaacisay inuu geeriyooday boqorkii dalkaas, Al-amiir Cabdalla Bin Cabdilcaziiz Aala Sacuud, kaasoo 90 jir ahaa.
Boqorka ayaa tan iyo bishii December Isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad looga daweynayay xanuunka oof wareenka ama kolba aaryo, kaasoo markii dambe uu u geeriyooday.
TV-yada dalka Sacuudiga ayaa hakiyey baahintii caadiga aheyd, waxeyna sii deynayaan baqoordiiq.
TV-yada dalka Sacuudiga ayaa shaaciyey in Amiir Salaamn Bin Cabdilacaziiz uu badelay Amiirka geeriyooday ee Amiir Cabdllada, waxaana amiirka cusub beyco lala geli doonaa caawa kadiba salaadda cishaha.
Boqorka geeriyooday waxaa salaadda Janaazada lagu dukan doonaa galabta oo Jicmaha saladda caris kadib, sida uu TV-ga dowladdu sheegay.
Boqor Cabdalla ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2005-tii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii ay isku aabaha ahaayeen boqor Fahad Bin Cabdilcaziiz.
Amiir Cabdalla wuxuu dhashay sanadkii 1924, wuxuuna ahaa wiilka 13-aad ee ka mid ah 37 wiil oo uu dhalay Boqr Cabdil-caziiz Aala Sacuud, kaadoo ahaa aasaasaha Boqortooyada Sacuudiga ee xilligaan jirta, isagoo geeriyooday sanadkii 1953.
Mareeg Media