Boqorka Sacuudiga oo magacaabay dhaxalsuge cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boqorka Sacuudiga oo magacaabay dhaxalsuge cusub

Mareeg.com: Bqoqorka dalka Sacuudi Carabiya, Salmaan Bin Cabdil-caziiz ayaa xilkii dhaxal-sugaha ka qaaday, Amiir Muqrin Bin Cabdil-caziiz, kaasoo codsaday in xilkaas laga wareejiyo.

Boqor Salmaan Bin Cabdil-caziiz ayaa dhaxal-sugaha cusub u magacaabay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Amiir Muaxamed Bin Nayif Bin Cabdil-caziiz.

Amiir Nayif ayaa noqonaya ninkii ugu horreeyey ee uu awoowe u yahay Aasaasihii boqortooyada Sacuudiga, Boqor Cabdil-caziiz Aala Sacuud ee loo magcaabo inuu noqdo dhaxal-suge.

Wixii xilligaan ka horreeyey waxaa dhaxalka kala dhaxli jiray wiilashada uu dhalay Boqor Cabdil-caziiz Aala Sacuud.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale wiilkiisa, Maxammad Bin Salman, u magacaabay ku xigeenka ninka leh dhaxalka boqortooyada, ahna R/wasaare xigeen, wasiirka difaaca iyo Madaxa Golaha Dhaqaalaha iyo Horumarrinta.

Boqorka cusub ee Sacuudiga Salmaan Bin C/caziiz ayaa is baddel ku sameynayay maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sanadkan 2015.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!